Howlgal qorsheysan oo ka dhacay degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay Xalay ka sameyeen ciidanka NISA, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Duufaan xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir

Howlgalka Xalay ciidanka Duufaan ka sameey Xaafada Suuqa Xooloaha ayaa ahaa mid qorsheysan oo ay ciidanka si gaar ah ugu beegaadeen guri ku yaala xaafadaasi oo ay kala soo baxeen saqdii dhexe ee Xalay laba nin iyo gabar, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dad ku sugan xaafadaasi.

Ciidanka ayaa mudadii ay Howlgalkaan ku jireen waxay sidoo kale soo qabqabteen boqolaal dhalinyaro ah oo ay weydiiyeen su’aalo la xariiray dhanka amaanka, hayeeshee markii dambe ay sii daayeen dhalinyaradaasi.

Majiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha amaanka ee dowladda Soomaaliya oo ku aadan howlgalka xalay ka dhacay xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Howlgalkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maalmihii u dambeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya ay kordhiyeen howlgallada lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho oo mudooyinkii dambe faraha kasii baxaayay.

SHARE

LEAVE A REPLY