Howlgal lagusoo qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab oo Muqdisho laga sameeyay

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo Xalay howlgalo culus ka sameeyay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa waxay kusoo qabteen xubno lagu tuhunsan yahay iney ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab iyo dad kale oo ibinaayay waxyaabaha maanka dooriya.

Howlgalka ayaa ka dhacay xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, waxaana si wadajir ah u sameeyay ciidamada Booliiska, Nabad sugida iyo Booliiska u tababaran sida milatariga.

Ciidamada ayaa howlgalkooda kusoo qabqabtay boqolaal dhalinyaro ah oo ay tuhmeen, hayeeshee baaritaano dheer kadib way sii daayeen dhallinayaradii la qabqabtay marka laga reebo labo nin oo lagu tuhmayo iney ka mid yihii Al-Shabaab iyo shan kale oo lagu qabtay iibinta iyo isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya.

Amaanka magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa ahaa mudooyinkii dambe mid soo hagaagayay, kadib markii lagu wareejiyay sugitaanka amaanka ciidamo Booliis oo sida Milatariga u tabaran.

SHARE

LEAVE A REPLY