Howlgal lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan shabaab oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

0

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Ururka 66-aad iyo 83-aad ee guutada 14-ka Oktoobar ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka sameeyay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidamada ayaa howlgalka ka sameeyay deegaanada kala ah Deg wariiri iyo Malable oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha guutada 14-ka Oktoobar Gaashaanle dhexe Nuur Maxamed Gaaboow ayaa Warbaahinta dowladda u xaqiijiyay in howlgaladaasi lagu dilay 15 ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab oo ku sugna deegaanada Deg wariiri iyo Malable.

Taliye Nuur Maxamed Gaaboow ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ay sii wadayaan howlgalada noocaan oo kale ah oo ay ku beegsanayaan meelaha ay kooxda Shabaab kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaan ayaa sidoo kale kusoo beegmaya, iyadoo ciidanka dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka ay howlgalo culus ka wadaan maalmahii ugu dambeeyay deegaano ku yaala bariga gobolka Galgaduud, islamarkaana ciidanka ay kula wareegeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolkaas oo ay u dambeysay deegaanka Dac oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur.

SHARE

LEAVE A REPLY