Howlgal lagu 44 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

0

Hawlgal qorshaysan oo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen degaanka Cali Fuuto ee hoos taga degmada Kurtun Waarey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayay ku dileen 44 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad, kuwaasi oo isku aruursanayay godad ay ka qoteen.

Howgalkaan ayaa dhacay 12-bishan, ka dib markii Sirdoonka Qaranka ee NISA uu helay xogta maleeshiyadan oo in muddo ah isku aruursanayay degaankaan iyagoo dhagar u maleegayay shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalkaan waxaa sidoo kale lagu burburiyay godad ay halkaas ka qoteen Khawaarijta, hub iyo saanado kale oo ay ku aruurinayeen Ururka al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an in Khawaarijta lagu beegsado goob kasta oo ay gabaad ka dhigtaan, iyadoo haatana Ciidanka Qaranka iyo dadka Soomaaliyeed ay dhul badan ka xoreeyeen Al-shabaab.

SHARE

LEAVE A REPLY