Hoobiyeyaal lagu garaacay Muqdisho oo Maanta martigalineysa shir Caalami ah

0

Inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa laga maqlay jugta tiro hoobiyeyaal oo la tilmaamay iney ku dhaceen qaar kood xaafadaha ku yaala agagaarga Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Hoobiyeyaasha oo tiro ahaan gaarayay ilaa 5 ayaa laba ka mid ah la xaqiijiyay iney ku kala dhaceen guri shacab ah oo ku yaala Isgoyska Bakaaraha iyo goob Maqaayad ah oo ku taala Isgoyska Tarjiinka, iyadoo kuwa kalana ay ku dhaceen xaafado ku teedsan Madaxtoyada, waxaana lasoo warinaya iney geysteen khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh balse ma cadda ilaa hada tirada saxda ah.

Kooxda Al-shabaab ayaa looga bartay iney sheegato masuuliyada weerarada hoobiyeyaasha ee lagu garaaco gudaha magaalada Muqdisho.

Hoobiyeyaashaan lagu garaacay gudaha magaalada Muqdisho ayaa imaanaya, iyadoo saakay waddooyinka Muqdisho loo xiray shir ay ku yeelanayaan gudaha magaalada Muqdisho Madaxda dalalka la isku yiraahdo safka hore ee Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya.

Lasoco waxii kusoo kordha wararkan.

SHARE

LEAVE A REPLY