Hoobiyaal lagu weeraray Madaxtooyada Soomaaliya oo geystay khasaare kala duwan

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tiro madaafiic ah oo lagu garaacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho abaare Salaadii Subax ee Saakay.

Hoobiyaasha ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo ku sugna guryahooda.

Inta la xaqiijiyay Aabe Soomaaliyeed iyo Gabar uu dhalay ayaa ku dhintay hoobiyaasha mid ka mid ah oo kusoo dhacay gurigooda oo ku yaala xaafad ka tirsan degmada Wartanabadda ee magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale dhaawacyo ay soo gaareen hooyada qoyska iyo xubno kale oo isla qoyska ah.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in Aabaha ku dhintay hoobiyaha ku habsaday gurigiisa uu ahaa Macalin Dugsi Quraan oo si weyn looga yaqiinay degmada Wartanabadda ee magaalada Muqdisho.

Dadka ku nool magaalada Muqdisho oo badi hurdaayay xiliga madaafiicdaan dhacayeen ayaa ku toosay mar qura dhawaqa madaafiicda oo ahaa kuwa intooda badan loo tuurayay dhinaca Madaxtooyada Soomaaliya.

Kooxda Al-shabaab ayaa mararka qaarkood madaxtooyada dalka ku weerarta madaafiic, waxaana madaafiicdaasi intooda badan ay ku dhacaan guryo ay dagan yihiin dad shacab ah oo ka agdhaw xarunta madaxtooyada Soomaaliya, taasoo sababta in dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaarto dad shacab ah aan waxba galabsan.

SHARE

LEAVE A REPLY