Hoggaamiyahii kooxda Wagner oo geeriyooday

0

Madaxii kooxda Wagner Yevgeny Prigozhin, ayaa la sheegay inuu ku jiray liiska rakaabka diyaarad ku burburtay Ruushka, oo ay ku dhinteen dhammaanba 10-kii qof ee saarnaa, sida ay sheegtay waaxda duulista hawada ee Ruushka.

Goor sii horreysay, barta Telegram ee Grey Zone oo lala xiriiriyo Wagner ayaa shaacisay in diyaaradda ay difaaca cirka ku soo rideen gobolka Tver, oo waqooyi ka xiga Moscow Prigozhinna uu halkaa ku dhintay.

Grey Zone ayaa sheegtay, in dadka deegaanka ay maqleen dhawaq kahor burburka diyaaradda, ayna arkeen qiiq hawada isku shareeray.

Dad badan oo uu ka mi yahay Agaasimaha CIA William Burns ayaa dhacdadan ku tilmaamay aargoosi Balse midna arrimahan ,ma caddeynayaan, dabcan, in Prigozhin iyo asxaabtiisa si ula kac ah loo beegsaday.

Laakiin iyada oo aanay jirin cid si madax bannaan u xaqijin karta dhimashada Prigozhin saacaddan la taagan yahay ayay falanqeeyayaasha qaar waxay ku baaqayaan in la taxaddaro.

Maxaa laga yaqaan kooxda Wanger? Yaase u dagaallamaya?
Magaca sida rasmiga kooxda loogu yaqaan waa PMC. Markii ugu horreysay waxaa la ogaaday 2014-kii markaas oo ay caawinayeen goonni u goostada Ruushka taageersan ee bariga Ukraine.

Markaas waxay ahaayeen koox qarsoodi ah oo inta badan ka howlgala Afrika iyo Bariga Dhexe, waxaana loo haystay inay gaarayaan 5,000 oo dagaalyahan, intooda badan ay ahaayeen ciidamadii hore ee Ruushka.

Ilaa markaa kaddib si weyn ayey u xoogeysteen.

“Askarta Wanger ee hadda jooga Ukraine waa 50,000, muhiim ayeyna u yihiin dagaalka Ukraine. Wasaaradda Difaaca UK ayaa sheegtay bishii Janaayo in kooxda ay qorteen dad badan 2022-kii sababtoo ah Ruushka ayey dhibaato ka haysatay ciidamadooda joogtada ah.

Ku dhawaad 80% ciidamada Wanger ee Ukraine xabsiyada ayaa laga soo saaray sidaasina waxaa sheegay horraantii sanadkan golaha ammaanka u qaabilsan Mareykanka.

Inkastoo calooshood u shaqeystayaasha aysan sharci ka aheyn Ruushka haddana kooxda Wanger waxaa loo diwaangeliyay 2022-kii shirkad ahaan, waxayna xarun cusub ka furteen St Petersburg.

“Si cad ayey magaalooyinka Ruushka askar uga qoranayaan, waxayna warbaahinta Ruushka ugu yeeraan urur wadani ah”, ayuu yiri Dr. Samuel Ramani oo ka tirsan machadka RUSI.

Sidee lagu dhisay kooxda Wanger?
Baaris ay BBC-da ku sameysay kooxda Wanger ayaa muujisay inuu ku lug leeyahay Dmitri Utkin oo hore uga tirsanaa militeriga Ruushka.

Waa askari hore uga soo qeybgalay dagaalkii Chechnya. Waxaana la aaminsan yahay inuu ahaa abaanduulihii ugu horeeyay kooxda la magacaabo.

Hoggaamiyaha kooxda hadda Prigozhin waa ganacade lagu naaneeso “cunto kariyaha Putin” sababtoo ah Kremlin-ka ayuu u qaabilsanaa cuntada.

(sawir)

“Howlgalkii ugu horeeyay Wanger waxay Ruushka ka caawiyeen inay qabsadaan Crimea 2014kii”, ayey tiri Tracey German oo jaamacadda Kings College London ka tirsan.

Maxaa sababay inay isku dhacaan Wagner iyo taliyayaasha militeriga Ruushka?
Prigozhin ayaa dhawaan wasiirka difaaca Shoigu iyo taliyaha ciidanka Ukraine ka dagaallamaya Valery Gerasimov ku eedeeyay karti la’aan iyo inay sahayda kooxda Wagner hoos u dhigeen.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka waxay hadda sheegtay “qaabka mutadawacnimada” ee Ukraine lagu tagayo waa in iyaga heshiis lagula galaa ilaa dhammaadka Juun.

Balse Prigozhin ayaa soo saaray qoraal uu ku diidayo isagoo ku dhawaaqay in ciidamadiisu qaadacayaan heshiiska.

Halkee kale ayey ka howlgalaan kooxda Wagner?
laa 2015kii waxay kooxda joogeen Suuriya iyagoo ka dhinac dagaallamayay ciidamada dowladda.

Sidoo kale kooxda waxay ciidamo ka joogeen Libiya kuwaas oo taageerayay ciidamada Janaraal Khalifa Hafter.

Jamhuuriyadda Afrikada dhece (CAR) ayaa ku casuuntay kooxda inay ilaaliyaan gododka macdanta laga qodo, waxaana la aaminsan yahay inay ilaaliyaan gododka macdanta ee Sudan.

Dowladda Mali ayaa kooxda Wanger u adeegsaneysa inay kula dagaallanto xagjiriinta.

Prigozhin waxaa la rumeysan yahay inuu lacag ka sameynayo howlgallada Wagner. Mareykanku waxay sheegeen in joogistiisa ay hanti badan soo gelineyso shirkadihiisa.

SHARE

LEAVE A REPLY