Hoggaamiyahii kooxda Daacish ee Soomaaliya oo la dilay

0

Dowlada Mareykanka ayaa Warsaxafadeed ay soo saartay ku sheegtay iney dishay hoggaamiye sare iyo xubna kale oo ka mid dagaalamayaasha Daacishta Soomaaliya, kadib howlgal ciidamada Mareykanka ka fuliyeen buuraha Cal Miskaan ee ku yaala Puntland.

Warsaxafadeedka ay soo saartay Wasaaradda Difaaca dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay howlgal qorsheysan ku dileen 11 xubnood uu ka mid yahay Bilaal-al-Sudani oo ah hogaamiyaha Daacish ee Soomaaliya.

“Bishan January 25-keedii ayaa amar ka yimid Madaxweynaha, wuxuu milateriga Maraykanku uu hawlgallo gaar ah ka fuliyey Soomaaliya, halkaas oo lagu dilay xubno ka tirsan Daacish, oo uu ku jiro Bilaal-al-Sudani, oo ah hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya, ahaana fududeeye muhiim ah oo ka tirsan shabakadda caalamiga ah ee Daacish” ayaa lagu yiri warsaxafadeed uu soo saaray wasiirka difaaca ee Maraykanka Lloyd J. Austin III.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay inuu wax khasaare ah soo gaarin ciidamadeeda, islamarkaana qorshaha howlgalka uu ahaa iney nolosha kusoo qabtaan Hoggaamiye Al-Sudani, hayeeshee ciidamadii la joogay hoggaamiyaha ay sameeyeen falcelin.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Al-Sudani uu ahaa kobciyaha iyo joogitaanka sii kordhaya ee kooxda Daacish ee qaaradda Afrika iyo waliba maalgeliyaha hawlgalada kooxda ee adduunka oo dhan.

“Tallaabadani waxay kor u qaadaysa ammaanka iyo bedqabka Maraykanka iyo saaxiibadiisa, waxayna ka tarjumaysaa sida ay nooga go’an tahay in aan Maraykanka ka ilaalinno khatarta argagixisada gudaha iyo debeddaba.” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee dalka Maraykanka.

SHARE

LEAVE A REPLY