Hoggaamiyaasha ciidanka ku dagaalamaya Suudaan oo gaaray heshiis hordhac ah

0

Madaxda Ciidamada ku dagaalamaya Jamhuuriyadda Suudaan tan iyo 15kii April 2023 ayaa markale ku heshiiyay in la waqti dheereeyo oo muddo 5 cisho dheeraad ah lagu daro xabbad-joojinta ay horay uwada gaareen.

Dhinacyadaan wakiillada Wadahadlaya u dirsaday Magaalada Jiddeh ee Boqortooyada Sacuudiga isla markaana Mareykanka uu dusha kala socdo wadaxaajoodkooda ayaa isku fahmay in waqti xabbad-joojinta la dheereeyo.

Sidoo kale waxa ay isla garteen in la joojiyo duqeynta oo ah waxa ugu weyn ee sababa in ay burto ama jabto xabbad-joojinta waa sida laga soo xigtay ilo ku dhaw heshiiska ay wadagaleen wakiillada kala metalaya Gen. Burhaan iyo Daqalo.

Ciidamada Militariga Suudaan iyo ‘Ciidanka Degdega Suudaan’ loona soo gaabiyo RSF ayaa dagaalka dhexmaray waxa uu sababay dhimashada boqolaal ruux, dhaawaca tiro intaas ka badan, barakaca dad aan la tira-koobin iyo ajaanib tira-beel ah oo dalkaas laga saaray.

Dhowr jeer waxaa burburay heshiisyo ay wadagaleen oo sal ay u tahay xabbad-joojinta kaddib markii qaraxyo & rasaas xooggan laga maqlay Magaalada Khartuum, dhinac weliba waxa uu dhanka kale dusha ka saaray mas’uuliyadda xabbad-joojintaas burburtay.

Boqortooyada Sacuudiga iyo Mareykanka ayaa sheegay in ay kor kala soconayaan dhaqdhaqaaqa dhammaan dhinacyada ku dagaalamaya Suudaan si loo ciqaabo ciddii jebisa xabbad-joojinta waa sida ay hadalka u dhigeen.

Qaramada Midoobay ayaa marar is xigxiga soo jeedisay in ay wadahadlaan dhinacyadaan Militari ee hubka xooggan heysta ee ku loolamaya awoodda maamulka Suudaan iyada oo dhan weliba uu rabo in uu awood ahaan u riixo dhinaca kale.

SHARE

LEAVE A REPLY