Hirshabeelle oo ka shirtay amar kasoo baxay Cali Jeyte

0

Madaxweynaha Dowlada Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada ee Dowladda Hirshebeeelle.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa caawa looga hadlay Arrimaha amniga, xaqiijinta nabadgelyada deegaanada xorta ah, iyo Dardargalinta iyo tayeeynta hanaanka Garsoorka, si bulshadu u hesho garsoor cadaalad ah.

Wasiirka Wasaaradda Amniga ayaa Golaha uga waramay xaaladaha amni ee deegaanada Hirshabeelle iyo deegaanadii dhowaan laga xoreeyay AS, sagoo tilmaamay in Ciidamada ATMIS ee gacanta ku haya Garoomada Diyaaradaha uu faray inay xaqiijiyaan amniga garoomada Hirshabeelle.

Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Arrimaha Garsoorka ayaa Madaxweynaha iyo Golaha uga warbixyay Qorshaha Wasaaradda iyo sida ay uga go’antahay dardargalinta hanaanka garsoorka si bulshadu u hesho adeeg garsoor oo cadaalad ah, isagoo sheegay si loo helo Garsoor aqoon leh in ay qaadeen Imtixaan daahfuran oo lagu xulayay Garoorka Gobolka Shabeellaha Dhexe oo hada meel-gabo gabo ah maraya.

Golaha Wasiiradda ayaa cod gacan taag ah ku meelmariyay Hindise sharciyeedka wadda-Marista oo hore Golaha ay ugu soo gudbisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Hirshabeelle.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa Golaha Wasiiradda hor keentay Sharciga shaqo qorista shaqaalaha shisheeye.

Si kastaba, Amarka uu Wasiirka amniga Hirsabeelle ku faray ciidanka ATMIS inay xaqiijiyaan amniga Garoomada diyaaradaha Hirshabeelle ayaa yimid, kadib markii Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ee xilka laga qaaday Cali Jeyte uu sheegay in diyaarad sida mas’uul ka tirsan Hirshabeelle aysan kasoo degi karin Garoomada diyaaradaha Hirshabeelle, isagoo ku hanjabay inay soo ridi doonaan diyaaradii soo qaada.

SHARE

LEAVE A REPLY