Hirshabeelle oo faahfaahisay dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay Jiciboow

0

Wasiirka amniga Hirshabeelle, Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre, ayaa sheegay inay Alshabaab jab xooggan kala kulmeen tuulada Jiciboow oo 30km dhinaca waqooyi uga beegan degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan.

Wasiirka amniga oo BBC Soomaali la hadlay ayaa sheegay inay Alshabaab qorsheynayeen inay weerar xooggan kusoo qaadaan Buuloburde iyo deegaanno hoos yimaada, si ay u kala jaraan isku socodka magaalada Baladweyne iyo deegaannada la xoreeyay.

Wasiir Kheyre wuxuu sheegay in la burburiyay difaacyadii ay sameysteen Alshabaab islamarkaana firxadkoodii ay isku arursadeen meel buur ah oo webiga ku dhow, halkaas oo uu sheegay inay ciidamada dowladda ku hareereeyeen.

“Nimankani markii ay soo buux dhaafiyeen webiga jiinka, waxay isku dayeen inay difaac adag xirtaan, kadibna ay halkaasi duullaan ka qaadaan oo ay burburiyaan saldhigyadii ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka, laakiin taatikada iyo xeeladaha laga bartay dagaaladii hore, ayay ciidamadeena u suurto gashay inay burburiyaan difaacyadii ay samaysteen,”ayuu yiri wasiirka amniga Hirshabeelle.

Wasiirka amniga Hirshabeelle wuxuu sheegay in si degdeg ah loosoo afjarayo, firxadka Alshabaab haddii aysan iskusoo dhiibin gacanta ciidamada dowladda illaa saakay.

Wuxuu sheegay khasaaraha dhankooda inuu yahay sarkaal iyo labo askari uu ka shahiiday. Wuxuu sheegay in dhinaca Alshabaab uu gaaray khasaare weyn oo ay usoo bandhigidoonaan warbaahinta.

SHARE

LEAVE A REPLY