Hirshabeelle oo digniin culus duldhigtay dadka ku nool deegaanadeeda

0

Wasaaradda Amniga Gudaha maamulka Hirshabeelle ayaa uga digtay dadka ku nool deegaanada dowlad goboleedka Hirshabeelle la macaamilka iyo hogaansanaanta awaamiirta kooxda Al-shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda amniga Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in cid walba oo u hogaansanta amarada kooxda Shabaab ee ugu tagta meelaha ay joogaan ay ku xukun yihiin Al-shabaab.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Amniga Hirshabeelle ayaa lagu faray dhamaan laamaha amaanka ciidanka iyo ciidamada dib u xureynta deegaanka iney gacanta kusoo dhigaan qof kasta oo macaamil lasoo sameeya Al-shabaab ayna sharciga hor keenaan.

Talaabadan ayay Wasaaradda amniga gudaha Hirshabeelle ku sheegtay iney qeyb ka tahay go’aanadii laga gaaray la dagaalanka kooxda Al-shabaab.

Hoos ka akhriso qoraalka oo faahfaahsan:-

SHARE

LEAVE A REPLY