Hiiraan:- nin aasaayay qarax miino oo toogasho lagu dilay

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay Maanta ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Halgan ee gobolka Hiiraan oo ay ku toogteen dagaalame ka tirsana Al-shabaab.

Howlgalka lagu dilay dagaalamaha ka tirsana Al-shabaab ayay ciidanka dowladda ka sameyeen xafaadaha degmadaasi, waxaana la sheegay in ciidanka ay toogashada ku dileen ninkan isagoo miino ku aasaya mid ka mid ah wadooyinka muhiimka ah ee degmada Halgan.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo ku sugan degmadaasi ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada oo howlgal ku guda jira ay la kulmeen ninka la toogtay oo qarax miino ku aasayey xilligaas waddo ay shacabka isticmaalaan oo ku taala degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ee ku sugan deegaanada ka tirsan Hiiraan ayaa mudooyinkii dambe si aad ah u kordhiyay qaraxyada miino oo ay ku aasayaan wadooyinka, waxii ka dambeeyay kacdoono dad weyne oo kooxda Al-shabaab uga furmay gobolka Hiiraan.

SHARE

LEAVE A REPLY