HIIRAAN: ku dhawaad 10 ruux oo isku qoys ah oo ku dhintay qarax miino

0

Qarax nuuca miinada hareeraha waddooyinka lagu aaso ayaa gabal-dhicii maanta ka dhacay deegaanka Jicibow ee kuyaalla duleedka magaalada Buuloburte, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro badan oo dhimasho.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa miino ayaa haleelay mooto nuuca saddexda lugood leh oo ay adeegsadaan beeraleyda, waxaana nootadaasi la socday dad isku qoys ahaa oo ka yimid beeraha Jicibow.

Inta la xaqiijiyay qaraxa miino waxaa ku dhintay sideed qof oo ka koobnaa hooyo iyo saddax carruur ah oo ay dhashay iyo aabbe iyo afar carruur ah uu dhalay, dadkan ayaana dhammaan wada saarnaa mootada.

Maamulka Buulaburte ayaa qaraxan ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen kooxda Al Shabaab, waxa ayna sheegeen maamulka in Al Shabaab markii ku jabeen dagaalka bilaabeen in shacabka ka aargutaan oo qaraxyo ku dilaan.

SHARE

LEAVE A REPLY