Hantidhawrka Guud ee Qaranka oo Amar culus duldhigay masuuliyiin hore oo dowladda

0

Xafiiska Hantidhowrka guud ee qaranka ayaa soo saaray amar ku socda qaar ka mid ah masuuliyiintii hore ee hay’addaha dowladda Fedaraalka amarkaas oo ah iney dib u soo celiyaan mudo laba todobaad gudahood gaadiidka ay leeyihin hay’addaha ay ka shaqeynayeen.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Hantidhowrka guud ee qaranka Axmed Ciise Guutaale ayaa lagu sheegay in Xafiiska uu la socdo in qaar ka mid masuuliyiintii hore ay wali la maqan yihiin gaadiid ay leeyihiin hay’addaha dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Hantidhowrka qaranka ayaa sidoo kale faray in masuliyiinta gaadiidkaasi la maqan iney ka sameeyaan wixii garaafo ama cilad ah ee soo gaaray gaadiidka mudada ay haysteen, waxaana qoraalka lagu sheegay in cidii u hoggaansami weyda amarkaan lala tiigsan doono sharciga iyo hay’addaha awooda u leh.

Waxaa sidoo kale Xafiiska uu hay’addaha dowladda uu faray in wax gaadiid ah aysan soo ibsan karin ilaa uu Xafiiska ka xalinayo arrinta gaadiidka ku maqan gacanta masuuliyiintii hore ee hay’addaha dowladda.

Hoos ka akhriso Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Hantidhowrka guud ee Qaranka oo dhameystiran:-

SHARE

LEAVE A REPLY