Guri tacsi taalay oo goordhaw uu ku dhacay Hoobiye khasaare geystay

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay tiro hoobiyeyaal ah oo la sheegay iney ku kala dhaceen qeybo ka mid ah degmooyinka Boondheere iyo Shibis ee magaalada Muqdisho

Hoobiyaasha ayaa la xaqiijiyay in laba ka mid ah ay ku dhaceen guri tacsi ay taalay oo ku yaala degmada Shibis ee magaalada Muqdisho, kaasoo la sheegay iney ku dhinteen laba ruux oo ku sugnaa guriga tacsida taalay ayna ku dhaawacmeen 8 ruux oo kale.

Dadka ku dhaawacmay hoobiyeyaasha waxaa la sheegay iney u badnayeen haween oo ay ku jirtay gabar Xaamilo aheyd, kuwaas oo la geeyay xarumaha Caafimaadka magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale la sheegay in mid ka mid ah hoobiyeyaasha uu ku dhacay guri dad shacab ah degan yihiin oo ku yaala Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, waxaana laasoo wariyay inuu khasaare lasoo gaaray dad shacab ah oo gurigaasi daganaa, iyadoo hoobiyeyaal kale la tilmaamay inay ku dhaceen xaafado ku yaala agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya, hayeeshee lama soo sheegin khasaaraha ka dhashay madaafiicdaasi.

Amaanka magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa u muuqanaya mid faraha kasii baxaya, iyadoo saacadahii lasoo dhaafay gudaha magaalada Muqdisho ay ka dhaceen falal kala duwan oo isugu jiray dilal qorsheysan, iska hor imaadyo u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo madaafiicdaan lagu gaaray degmooyinka Shibis iyo Boondheere, waxaana falalkaasi khasaaraha ugu badan ee dhimashada iyo dhaawaca uu kasoo gaaray dadka shacab ah.

SHARE

LEAVE A REPLY