Guddoomiye Madaale oo xabsiga u taxaabay askar ku dagaalantay Isgoyska Siinaay

0

Inta lxa xaqiijiyay Ugu yaraan 5 ruux oo isugu jira shacab iyo ciidan ayaa ku geeriyooday shaqaaqo israsaasayn ah oo xalay isgoyska Siinaay ku dhexmartay ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyihii degmada Yaaqshiid ayaa ku dhaawacmay shaqaaqadan kadib markii ay isku dhaceen ciidamadiisa iyo kuwo ku sugnaa isgoyska Siinaay.

Ciidamada ayaa isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan sida qoriga baasuukaha, iyagoo ku sugnaa shacabka dhexdiisa.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa sheegay in xabsiga la dhigay ciidamada ku lugta lahaa falkaan, isagoo tilmaamay in caddaalada la horkeenayo.

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in falalka nuucaan oo kale ah ay kusoo bateen magaalada Muqdisho islamarkaana si macno darro ah maalin walba ay ugu dhintaan dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Bishaan gudaheeda waa weerarkii labaad oo isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho ku dhexmara ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.

SHARE

LEAVE A REPLY