Guddoomiye Madaale ma aqbali karno Askarigii na ilaalin lahaa inaan iska ilaalino

0

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo ka hadlaayay kulan ka dhacay xarunta degmada Cabdicasiis oo looga hadlaayay dardargalinta barnaamijka Garanwaa oo uu dhawaan iclaamiyay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka codsaday shacabka reer Muqdisho iney ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, maan dooriyaha iyo Ciyaal weerada.

Guddoomiye Madaale ayaa si adag u sheegay inaan la aqbali karin in gudaha magaalada Muqdisho lagu dhex arko Al-shabaab, kuwa iibiyo maandooriyaha iyo Ciyaal weerada oo uu tilmaamay iney dhibaato ay ku yihiin amaanka guud ee magaalada Muqdisho.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay in ololaha ay kula dagalaamayaan Al-shabaab, waxyaabaha maanka dooriya iyo ciyaal weerada uu sii socan doono, islamarkaana qof walba oo Muqdisho ku nool looga baahan yahay inuu ka qeyb qaato xasilinta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

“Kuwa daroogada kariya, kuwa keena iyo kuwa iibiya iyagaas ayay lamid yihiin maxaa yeelay umadeena waxaa baabi’iyay oo maalin weliba xabadda ku ridaaya waa daroogiiste aan ogaal lahayn inuu dad dilaayo iyo inuu dagaal galaayo aanan kala ogeyn, ma aqbali karno inaan mar iska ilaalino cadaw Khawaariij ah oo qaraxyadiisa iyo xabadiisa wata marna iska ilaalino mid naloogu talagalay inuu na ilaaliyo, waxaa taasi uga hortagi karnaa waa in aan daroogada la dagaalanno oo aan uga tagno albaab weliba oo lagu iibinayo” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Hadalkaan kasoo yeeray gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay amaan daro xoogan laga dareemayay gudaha magaalada Muqdisho oo ay ka dhaceen dilal qorsheysan iyo iska hor imaadyo ciidan oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo shacab ah.

SHARE

LEAVE A REPLY