Guddoomiye ku xigeenka Gedo oo gaaray degmada Luuq

0

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Gedo Cismaan Nuux Xaaji Macalimu oo safar ku tegay Degmada Luuq ee Gobolkaas ayaa billaabay kulamo uu ugu kuurgalayo xaaladda ka jirta Degmadaas.

Cismaan ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay maamulka Degmada Luuq, Madaxda Dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Degmadaas oo uu kala hadlay dardargelinta adeegyada looga baahan yahay DG Jubbaland.

Guddoomiyaha Degmada Luuq Cali Kadiye Xaashi & Mas’uuliyiinta kale ee Degmadaas ayaa dhankooda diyaariyay isusoo bax lagu soo dhaweynayo mas’uuliyiinta Gobolka Gedo oo maanta lagu wado in uu ka dhaco Isla Degmadaan.

Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa dhowaan maamul cusub u magacaabay Gobolka Gedo, waxaana lagu wadaa in uu isbaddel kale ku sameeyo mas’uuliyiinta degmooyinka.

Jubbaland oo caqabad ku noqday howlaha shaqo ee Gobolka Gedo ayaa isbaddel cusub sameysay iyada oo Dowlad-Goboleedkaas diiradda ay saareyso sidii looga shaqeyn lahaa xal u helista tabashooyinka laga qabo Dowlad-Goboleedkaan.

La soco wixii kasoo kordha.

SHARE

LEAVE A REPLY