Guddoomiye Jeyte “Shabaaboow hanaga cararina ee iska keen dhiciya hadad awood leedihiin”

0

Guddoomiyaha maamulka gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa Maanta gaaray deegano dhowr ah oo ku yaala Jiinka wabiga Shabeelle ee Koonfurta magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiitaan.

Gudeoomiye Jeyte ayaa hoggaaminaayay ciidamo isugu jira kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka, waxayna burburin ku sameeyay dooman ay isticmaalayeen kooxda Al-shabaab oo ugu xirnaa wabiga Shabeelle oo ay si dhuumaaleeysi ah uga soo gudbi jireen.

Wuxuu sheegay gudoomiyaha gobolka Hiiraan in Al-shabaab ay mar walbo ay ka cararaan deegaanada ay sida dhuumaaleysiga ah ku yimaadaan.

“Al-shabaaboow mar walba aan idin soo aadno hasii yaacina ee iska keen dhiciya hadaad leedhiin awood aad ku dagaalantaan, inta ay nafta igu jirto xabad ayaan idin ku ridaya, ha moodina inaad dadka Soomaaliyeed aad adinka kasoo hari doontaan ee waxaan idin leeyahay iska baxa oo aada meelaha aad ka timaadeen” ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte.

Guddoomiye Jeyte ayaa sidoo kale tilmaamay in Shabaab waqtigoodii uu dhamaaday oo meelkasta oo ay u cararaan ay uga dabatagi doonaan, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in Al-shabaab aysan fursad siinin oo ay iska dhiciyaan.

Deegaanada ay Maanta gaareen ciidamadan iskaashanaya ee uu horkacaayay guddoomiyaha gobalka Hiiraan ayaa ahaa kuwa inta badan kooxda Al-shabaab ay si dhuulaameysi ah ku imaan jireen.

SHARE

LEAVE A REPLY