Guddoomiye Jeyte oo ku dhawaaqay waxka badalka qorshaha dagaalka ka dhanka ah Shabaab

0

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedka safar uu ku yimid magalaada Muqdisho iyo kulamo la filaayo inuu la qaato madaxda dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho u yimid inuu madaxda dowladda Fedaraalka iyo hogaanka sare ee ciidanka xoogga uu kala hadlo wajiga labaad ee howlgalada ka socda Hiiraan ee ka dhanka ah Kooxda Shabaab.

Wuxuu tilmaamay guddoomiye Cali Jayte in wajiga koowaad ee howlgaladii gobolka Hiiraan ee ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka iska kaashanayeen Al-shabaab looga qabsaday inta badan deegaanada gobolka Hiiraan, isagoona uga mahadceliyay madaxda dowlada Fedaraalka iyo dowlad goboleedka Hirshabeelle doorka ay ka qaateen howlgalada socda.

“Safarkeyga Muqdisho waxa uu ku saabsan yahay waqti dheer ayaan dagaal ku jirnaa waxaan madaxda Dowladda la wadaageynaa sidii wax looga baddeli lahaa qorshaha dagaalka, howlgalka waxaa kasoo billawnay dhinaca waqooyi gaar ahaan Matabaan, waxaana rabnaa in aan isku xirno Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe” ayuu yiri guddoomiye Cali Jayte Cismaan.

Wuxuu sidoo kale sheegay guddoomiyaha gobolka Hiiraan in deegaannada ka maqan gacantooda ay isaga baxeen Al-shabaab, hayeeshee waddooyinka ay geliyeen miinooyin aad u farabadan, loona baahan yahay qorshihii lagu saari lahaa miinooyinkaasi.

Gabagabadii guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa tilmaamay in Ciidamada Dowladda Fedaraalka iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ay ka go’an tahay iney sii aadaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee looga xureynaayo gudaha dalka Soomaaliya.

SHARE

LEAVE A REPLY