Guddoomiye Jeyte oo ku dhawaaqay go’aan saameynaya dadka ku nool deegaanada Shabaab

0

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ku dhawaaqay go’aano ka dhan ah gaadiidka ka shaqeya deegaanada dhaca jiinka wabiga Shabeelle ee u dhaxeeya magaalooyinka Baledweyne iyo Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiye Jeyte ayaa amar ku bixiyay in Maanta kadib aanan la arki karin gaari ka baxaya Baledweyne ama Buulaburte oo raashiin ama shidaal sida oo u safraya deegaanada ku yaala hareeraha wabiga Shabeelle ee u dhaxeeya Baledweyne iyo Buulaburte.

Wuxuu sheegay guddoomiyaha gobolka Hiiraan in gaarigii lagu arko ama la qabto isagoo deegaanadaas u raran in si buuxda ay ula wareegi doonaan gaariga iyo wixii saaran ciidanka dowladda oo uu ka mid noqonayo hantida dowladda.

“Ciidamada waxay amar ku qabaan iney si buuxdo ula wareegaan gaarigii ay qabtaan isagoo u raran deegaanada shabaab ku sugan yihiin ee ku yaala hareraha jiinka wabiga Shabeelle ee khawaarijta Saadka u geeya, qof walba haatan gaarigiisa ha ilaalaado” ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte.

Talaabadaan uu ku dhawaaqay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo kooxda Al-shabaab ay ku sugan yihiin deegaano ku yaala hareeraha wabiga Shabeelle oo ay ka mid tahay deegaanka Booco oo qiyaas ahaan Baledweyne u jirta 44 KM.

Lama oga sida uu ku dhaqan gali karo amarkaan kasoo baxay guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, kaasoo saameyn baaxad leh ku yeelan kara haduu hirgalo dadka shacabka ee xoolo dhaqatada iyo beeraleyda ah ee degan hareeraha wabiga Shabeelle oo uu ku tilmaamay guddoomiyaha Shabaab kalkaal.

“Aniga beer ayaan ku leeyahay degmada Halgan mana tacban karo marka dadka shabaab dhexdiisa beeraha ku tacbana sow shabaab kalkaaal mahan” ayuu yiri hadalkiisa sii raaciyay Cali Jeyte.

SHARE

LEAVE A REPLY