Guddoomiye Cali Jeyte oo ka horyimid in Cashuurta Hiiraan lagu wareejiyo Wasaaradda Maaliyadda Hirshabeelle

0

Guddoomiyaha maamulka golka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa si adag uga horyimid qorshe maamulka Hirshabeelle uu ku doonayo in Canshuurta gobolka Hiiraan ka timaada iney ku dhacdo qasnada Wasaaradda Maaliyadda Hirshabeelle ee magaalada Jowhar.

Shalay galinkii dambe ayay aheyd markii shir jaraa’id uu ku qabtay gudaha magaalada Baledweyne guddoomiye ku xigeenka gobolka Hiiraan oo ay hareerahiisa fadhiyeen xubno ka tirsan maamulka gobolka, kaasoo sheegay in la mideynayo Canshuurta maamulka Hirshabeelle, islamarkaana ka maamul ahaan ay ku wareejiyeen Canshuurta Hiiraan in lagu shubo qasnada Wasaaradda Maaliyadada Hirshabeelle.

Hayeeshee war qoraal ah oo aad u dheera ayaa kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte, kaasoo si qoto dheer looga hadlay arrimaha amniga siyaasadda, Canshuurta gobolka Hiiraan iyo qorshaha Wasaaradda Maaliyadda Hirshabeelle oo la sheegay inuu keeni karo habsacaanaan dhan walba ah oo ay ugu horeyso in lagu wiiqayo guulahii la gaaray howlgalada ka dhanka ah Shabaab.

“Madaama aay muhiim tahay in amaanada Shacabka la xafido oo aan lagu takri falin laguna Degdegin waxa danta guud ah ayadoo loo eegayo si xilkasnimo ah daruufaha aay ku jiraan shacabka Reer hiiraan aawadeed. ma jirto sabab aan waqti kaga Dhumino shacabka oo dagaal kula jiro khawaarijta Dhaqaalahooda, hooseeyo waxii aan ku kabeeynay Misaaniyada dagaalka iyo kabka adeegyada Maamulka in lagu bixiyo maanta , in loo weeciyo wax qorshaheeda waqtiyeed aanan la hubin kuna dhisan mustaqbal fog oo aan laheyn qorsho Degsan oo dhab ah midaas oo shacabka ku rideeyso dhiig bax dhaqaale oo aan soo kabasho laheeyn. iyo dib u dhac maamul oo sababi karo Dayac amni oo baahsan iyo dib u noqosho cadawga hiil u ah” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska guddoomiye Cali Jeyte.

Wuxuu sidoo kale sheegay gudoomiye Cali Jeyte Cismaan ineysan suurtagal aheyn inuu qaato waxyaabo uu ku sheegay inuu horay uga diiday kooxda Al-shabaab.

“Sabab aan ugu qaado wax ka hooseeyo waxii aan shabaab ka diiday ineey Gobalka Hiiraan ku Haayeen, ama aan ugu qancin karo dadka aan Masuulka ka ahay, taas micnaheedo oo ah in Hantida shacabka reer hiiraan ku baxdo meel aan hubanti laheen danahoodane lagu kabi karin, maanta iyo beri , lakin anaga aan ku celineeynay mar walbo kuna maareeynay dagaalka lagula jiro khawaarijta iyo kabka ciidamada deegaanka oo Aan laheyn miisaaniyadd. Qof sharci ku yimid sharci ma diido lakin waxaan rabnaa misaaniyad cad oo qorsho leh Daahfurnaan Iyo islaxisaabtan ku dhisan si loo maareeyo Daruufaha iyo marxalada lagu jiro iyo sidii u sii socon lahaa wajiga 2-aad ee howlgalada khawaarijta midaas aay muhiim aay tahay in la xoojiyo dheelitirnaanta iyo hufnaanta si loo helo Qorsho iyo miisaaniyad hufan oo dhab ah” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska Cali Jeyte.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaa ku baaqay in la keeno hannaan Maaliyadeed oo daahfuran oo la isla ogolyahay, si loo helo xasilooni siyaasadeed oo lagu wada shaqeyn karo, islamarkaana ay tahay in la ixtiraamo sarreynta sharciga.

“Shacabka reer Hiiraan waxeey u baahan yahiin kab’mo ee uma baahno kufin waxaan la tacaali haayna soo kabasho amni iyo mid dhaqaale kumana darsan karno wax hoos u dhigayo midnimada umadda ayadoo la fiirinayo daruufaha lagu jiro kuwii jiray iyo kuwo abuurmi karo, waxaa inoo furan hal jid oo ah la dagaalanka khawaariijta ma jirto wax ka hooseeyo oo aan ku qanci karno maanta iyo beriba. Shacabka reer hiiraan waxaan u cadeeynayaa ka masuuliyad ahaan waligeey kuma shaqeeyn umana hogaansamin dan gaar ah anigoo awoodo inaan danta guud guulo ka curiyo mana aqbalaayo mana aqbali doono wax ka hooseeyo sharci iyo Dowladnimo” ayaa markale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Wuxuu intaasi ku daray guddoomiye Jeyte in la ixtiraamo niyada ciidamada dib u xureynta deegaanka ee safka hore ugu jira difaaca deegaannada Hirshabeelle, gaar ahaan gobolka Hiiraan, isagoona sheegay in Maanta isha kaliya ee laga daryeelo ay tahay dhaqaalaha kooban ee ka yimaada canshuurta degmada Baledweyne.

Gabagabdii warar dheeraad ah oo ay heshay Shabakada HOL ayaa sheegaya in la baajiyay shir jaraa’id uu qaban rabay guddoomiye Cali Jeyte, kaasoo uu kaga hadli rabay xaaladda ka dhalatay qorshaha Wasaaradda Maaliyadda ee Canshuurta gobolka Hiiraan, waxaana baaqashada shirkiisa lala xiriirinayaa wadahadal dhexmaray isaga iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe, hayeeshee waxaa talaabadaan aad u hadal haayo saacadahii lasoo dhaafay dadka reer Hiiraan oo sheegaya in qudhooda ay ku qanacsaneen in Canshuurta laga qaado ay ku dhacdo qansada Wasaaradda Maaliyadda Hirshabeelle ee magaalada Jowhar.

SHARE

LEAVE A REPLY