Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo magacaabay guddiga farsamada Shirka dib u heshiisiinta

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa magacaabay guddiga farsamada ee shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed.

Guddigan oo ka kooban ilaa 7 xubnood ayaa waxaa loo xil-saarau shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo la filayo in shanta bishaan uu ka dhaco magaalada Baydhabo.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa faray madaxa xafiiskiisa inuu guddiga u fududeeyo taasiilaadka ay u baahan yihiin xubnaha la magacaabay ee guddiga.

Koonfur Galbeed ayaa waxaa haatan ka taagan xaalad siyaasadeed oo cakiran, taas oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashada kusoo foodka leh maamulkaasi.

Si kastaba, dhowaan ayey aheyd markii gacan ka hadal ka dhashay murankan uu sababay dagaal ka dhacay magaalada Baydhabo, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Halkan hoose ka aqriso:-

SHARE

LEAVE A REPLY