Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Danjiraha dalka Ingiriiska ee Soomaaliya

0

Kusimaha Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya ahna guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa kulan kula qaatay Xafiiskiisa magaalada Muqdisho danjiraha dalka Ingiriiska Kate Foster.

Danjire Kate Foster ayaa guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya kala hadashay arrimo la xariira taageerada horumarinta Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya iyo shirka dib u heshiisiinta ee uu ku baaqay guddoomiye Aadan Madoobe inuu dhawaan ka dhici doono magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku boggaadiyay danjiraha dalka Ingiriiska Kate Foster taageerada iyo garab istaaga dowladda Ingiriiska ay la garab taagan tahay dowladda Soomaaliya.

Kusimaha madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa dadaal badan ku bixin haayo helitaanka taageero Caalami oo ku aadan shirka dib u heshiisiinta Koofur Galbeed Soomaaliya oo uu dhawaan ku baaqay Sheekh Aadan Madoobe inuu ka qabsoomi doono magaalada Baydhabo.

SHARE

LEAVE A REPLY