Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo guddi u magacaabay xaalada magaalada laascaanood

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa magacaabay guddi gaar ah oo warbxin kasoo diyaarinaya dhibaatoyinka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Guddigaan uu magacaabay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madobe ayaa ka kooban ilaa 10 mudane oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa faray guddigaan iney kasoo tala bixiyaan xaalada cakiran ee ka taagan magaalada Laascaanood, waxaana si gaar ah loo faray guddigan in warbixin dhameystiran ka keenaan dadka ku dhintay shaqaaqooyinka iyo kuwa dhaawacmay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale faray guddigaan iney deg deg ku howlgalaan, islamarkaana guddiga ay dib ugu soo celiyaan natiijada kasoo baxdo xog baaristooda iyo xaqiiqada waxa ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Hoos ka akhriso Warqadda Guddiga uu magacaabay guddoomiyaha Golaha Shacabka:-

 

SHARE

LEAVE A REPLY