Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo ka bilaabay qorshe muhiim ah

0

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo dhawaan gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa halkaasi ka wada dadaalo la isugu keenayo dhinacyada isku maan dhaafsan siyaasadda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ku simaha madaxweynaha Soomaliya ahna gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa kulamo looga arrin sanaayay dib u heshiisinta si gooni gooni ah ula yeeshay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen iyo Golaha Dhaqanka Koonfur galbeed.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhawaan Muqdisho uga dhawaaqay shir dibĀ  heshiisineed oo ka qabsoomaya magaalada Baydhabo, kaasoo la doonayo in lagu dhameeyo madmadowga u dhaxeeya madaxweyne Laftagareen iyo Siyaasiyinta kale ee Mucaaradka ah ee kasoo hor jeeda maamulka madaxweyne Laftagareen.

Xildhibaan Mukhtaar Guuleed oo ka mida wafdiga gudoomiyaha Golaha Shacabka ee gaaray Baydhabo ayaa sheegay in guddoomiyaha Baarlamaanka uu kulan la qaatay Dhaqanka Koonfur Galbeed ayna soo dhaweyeen dadaalada uu wado guddoomiyaha.

“Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baydhabo wuxuu u yimid dhexdhexaadinta madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo siyaasiyinka kasoo horjeeda, guddoomiyaha wuxuu kulamo miradhal ah la qaatay Dhaqanka Koonfur Galbeed iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana meel wanaagsan maraya howlaha uu Baydhabo u yimid ee ah shir dib u heshiineed oo lagu doonayo in lagu dhameeyo tabashada Siyaasiyiinta kala dhaxeysa madaxweyne Laftafareen oo la xariirta mudo kororsi iyo inuu ku egyahay waqtiga madaxweynaha Koonfur Galbeed 19-ka bishaan Decembar” ayuu yiri Xildhibaan Mukhtaar Guuleed.

Si kastaba ha ahaatee waxaa mudooyinkii dambe sii kordhaayay khilaafka ka dhaxeya madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Siyaasiyinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed, gaar ahaan xubnaha Midowga Musharaxinta maamulkaas oo kasoo horjeeda in mudo kororsi u sameysto madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

SHARE

LEAVE A REPLY