Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Musharaxiinta Koonfur Galbeed oo is faham gaaray

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay mar kale hoygiisa kulan kula qaatay siyaasiyiinta ku midoobay Midowga Musharraxiinta iyo Madasha Badbaadada Koonfur Galbeed ayaa looga hadlay arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed.

Siyaasiyiinta iyo Guddoomiyaha ayaa Isla qaatay in laga wada qeyb galo gogosha 5-ta Janaayo taala magalada Baydhabo,Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed. Kadib markii laga wada hadlay saluugi ay horay uga muujiyeen shirka dib u heshiisiinta, arrimahaas oo qaarkood laga wada heshiiyay qaarka kalena shirka lagu xalin doono.

Dhanka kale waxay wax laga xumaado ku tilmaameen shaqaaqadii ka dhacay Baydhabo 23- December 2022, isla-markaana Guddoomiyaha uu ka shaqeeyo in guryihii ay waxyeelada ka soo gaartey shaqaaqadaas lagu soo celiyo gacan ku hayntooda cidii iska laheyd si loo abuuro jawi xasiloon lagana fogaado waxkasto oo keeni kara gacan kahadal dambe lagana dheeraado wax abaabul dagaal u eg.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa siyaasiyiinta la wadaagay in tabasha kasta oo lakala qabo lagu xalin doono shirka loo madlan yahay horaanta bisha Janaayo, isagoo adkeeyay in laga wada shaqeeyo xasiloonida iyo horumarka deegaanka, si Koonfur Galbeed u noqoto meel xasilooni siyaasadeed ka jirto dadkeeda na kuwada noolyihiin kalsooni iyo Midnimo.

SHARE

LEAVE A REPLY