Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo guddoonka Aqalka sare uga warbixiyay dagaalada ka dhanka ah Shabaab

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan guddoomiye ku xigeenka koowaad Cali Shacbaan Ibraahim iyo guddoomiye ku xigeenka labaad Cabdullaahi Cali Xersi {Timacadde} ayaa manta Xarunta Golaha Aqalka Sare ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan.

Ugu horreyn Guddoomiye Cali Jayte ayaa Guddoonka Aqalka Sare uga warbixiyay halka ay marayaan howlgallada ka dhanka AS ee ka socda dalka gaar ahaan Gobolka Hiiraan, wuxuuna guddoomiye Jayte guddoonka u sheegay in ay muhiim tahay in dagaalka. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan doorka muuqda ee uu ka qaatay dagaalka ka dhanka AS oo uu ku hoggaamiyay kaas oo ka socda Gobalka Hiiraan iyo qaar ka mid ah Goballada Dalka.

Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan oo magaalada Muqdisho u yimid howlo shaqo oo ku aadan dagaalka ka dhanka ah AS, ayaa 2-dii November 2022-ka kulan la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Guud ahaan Goballada Dalka ayaa waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka oo loo yaqaano Macawiisley oo isku dhinac ah iyo AS oo deegaanno dhawr ah lagala wareegay.

SHARE

LEAVE A REPLY