Golaha wasiiradda oo shir deg deg ah yeeshay soona saaray go’aano culus

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Hamza Abdi Barre ayaa xalay shir guddoomiyay shir deg deg ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada ee ku taalla isgoyska Soobe.

Shirka ayaa waxaa laga soo saaray Go’aano waaweyn oo kamid yihiin in dowladda Federaalka ay lacag dhan hal million oo dollar ku deeqday sanduuqa gurmadka wax loogu qabanayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyada.

Sidoo kale Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ayaa isku afgartey in In dib loo yagleelo Bankiga Kaydka Dhiigga ee heer qaran si sare loogu qaado adeegga caafimaadka ee shacabka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirada ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay yeeshaan feejignaan dheeri ah, samir, dulqaad iyo adkeysi inta lagu guda jiro hawlgalka ka dhan ka ah Al-shabaab ee ka socda.

Hoos ka Akhriso go’aamada kasoo baxay Shirkii Golaha Wasiirada Xukuumadda

1-Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay lacag dhan hal million oo dollar ku deeqday sanduuqa gurmadka wax loogu qabanayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyada lala beegsaday dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

2- Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay kafaala qaadeysaa daweynta iyo daryeelka dadka ku dhaawacmey qaraxyadii shaley ee KM5.

3- Waxaa kale oo Goluhu isku raacay in la kafaala qaado waxabarashada carruurta ay ka tageen shuhaddadii ku nafweysay qaraxyadii, iyadoo laga ambaqaadayo balanqaadkii uu jeediyay Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud markii uu booqday goobta uu qaraxa ka dhacay.

4- Waxaa xukuumadda ay fareysaa Wasaaradda Waxbarashada iyo Hiddaha in muddo saddex maalmood ah la fasaxo goobaha waxbarashada si ay waqti ugu helaan ardeyda sii wadista hawlaha gurmadka socda ee loogu gargaarayo dhibbaneyaasha weeraradii dhacay.

5- Waxaa dhammaan Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda la farayaa inay si buuxda uga qeyb qaataan gurmadka socda.

6- Waxaa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ku dhawaaqeysaa qaadista talaabooyin cad cad oo amniga lagu sugayo, lana sameynayo isbeddelo degdeg ah oo la jaanqaadaya xaaladda dalka ka jirta.

7- Waxaa uu Golaha Wasiirrada si xushmada leh uu shacabka Soomaaliyeed uga codsanayaa inay yeeshaan feejignaan dheeri ah, samir, dulqaad iyo adkeysi inta lagu guda jiro hawlgalka dalka ka socda oo dhammaan goobihii ay isku fara saareen Ciidammadda Qaranka iyo shacabka taageeraya looga adkaadey
8- Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale balanqaadeysaa in Al-shabaab laga saarayo dalka, isla markaana ay Ciidammada Qalabka Sida sii wadi doonaan gulufka

9- Waxaa kale oo uu Golaha Wasiirrada isku afgartey in In dib loo yagleelo Bankiga Kaydka Dhiigga ee heer qaran si sare loogu qaado adeegga caafimaadka ee shacabka Soomaaliyeed.

Goluhu wuxuu mar kale tacsi u diray qoysaska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen shuhaddadii ku naf waayey weerarada Al-shabaab ku qaadeen goobaha rayidka, iyadoo dhinaca kalena mahad celin loo jeediyay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ee isku xilqaamey gurmadka qaraxyadii ka dhacay KM 5.

Shirkaan aan caadiga ahayn ayaa Goluhu waxaa kale oo uu ku dhegeystay warbixino ay soo jeediyeen Taliyeyaasha ciidamada Xoogga dalka, Booliiska, Nabadsugidda iyo Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wasiirrada ee Ra’iisul Wasaaruhu u magaacabay Gurmadka Qaraxyadii dhacay shaley, madaxda laamaha amniga iyo Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed.

SHARE

LEAVE A REPLY