Golaha wasiiradda oo isku raacay dagaalka ka dhan ka ah Al-shabaab in Xukuumadda ay….

0

Golaha wasiirrada ee Soomaaliya ayaa maanta isku raacay in la xoojiyo kaalinta siyaasadda amniga qaranka ee ku aadan hagista howlgallada dalka looga xoreynayo kooxda Alshabaab.

Golaha wasiiradda oo raysal wasaaruhu shir guddoominayay ayaa go’aamiyay in la dhiso guddiga abaabulka iyo isku dubarridka howlaha dagaalka Alshabaab lagu dabargoynayo. Guddigaan ayaa ka kooban Ra’iisul wasaaraha, ra’iisul wasaare ku xigeenka, iyo qeybo kaloo katirsan golaha wasiiradda iyo taliyayaasha ciidamada.

Waxaa la go’aamiyay qabashada shir qaran oo looga arrinsanaayo fidinta, dhiirigalinta iyo qarameynta kacdoonka bulshada ee ka dhanka ah Alshabaab oo ay garwadeen ka noqoneyso wasaaradda Arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta.

Golaha wasiiradda waxay sheegeen in la hirgalinayo sharciga ka hortagga lacag dhaqidda iyo la dagaalanka maalgalinta Alshabaab, lana bartilmaameedsado shabakadaha ururka Alshabaab ugu xilsaaran maaliyadda.

Xukuumada federalka waxay sidoo kale hoosta ka xarriiqday istaraatiijiyada dabar goynta Alshabaab, islamarkaana la mideeyo cududda Shacabka, Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, iyo Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya.

Go’aankan dowladdu qaadatay ayaa kusoo aaaday xilli gobolka Hiiraan uu ka socdo dagaal muddo labo todobaad ah socda, kaasoo Alshabaab looga xoreeyay inta badan dhulkii gobolka Hiiraan ay kaga sugnaayeen.

Waa dhabar jabkii ugu weynaa ee Alshabaab soo gaara muddo 10 sano ka badan. Iyagoo hadda sii luminaya deegaanno badan oo ay gacanta ku hayeen toban sano iyo ka badan.

Gobolka Hiiran ayaa kamid ahaa meelaha Alshabaab ku lahaayeen maxkamadaha dadka looga yeero iyo kantaroolada lagu qaadi jirtay canshuuraadka.

SHARE

LEAVE A REPLY