Golaha Wasiiradda oo ansixiyay magacaabista xubno ka mid noqonaya Gudduga sare ee Bangiga

0

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta kulankooda Todobaadlaha ku ansixiyay magacaabista sadax xubnood oo ka mid noqonaya guddiga sare ee Bangiga dhexe, kadib soo jeedin ka timid Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa shir guddoomiyay kulanka Maanta lagu ansixiyay magacaabista xubnaha kala ah Prof. Cabdullaahi Sheekh Ibraahim(Qaloocoow), Faysal Cabdulaahi Warsame iyo Maxamed Xasan Cumar.

Shirka Golaha Wasiiradda ayaa sidoo kale lagu ansixiyay qaraar lagu xoojinayo u hogaansanaanta sharciyada iyo xeerarka dakhliga, kaasoo lagu bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed bixinta canshuuraha oo laf dhabar u ah dib u dhiska kaabayaasha dhaqaale ee dalka.

Kulanka Todobaadlaha ee Golaha Wasiiradda Soomaaliya waxaa sidoo kale warbixin la xiriirta hanaanka diyaarinta hiigsiga qarni jirka 2060 ka dhagaystay golaha dhaqaalaha qaranka, iyadoo la ayiday in guddi howaleed farsamo oo heer Wasaradeed ah lagu kaabo, si looga mira dhaliyo hiigsiga 2060.

Gabagabada kulanka waxaa Golaha warbixin la xariirta amniga guud ee dalka iyo wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab looga dhageystay wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya.

SHARE

LEAVE A REPLY