Golaha Wadatashiga qaran oo soo saaray War murtiyeed xasaasi ah

0

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa heshiis ku gaaray Hannaanka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Soomaaliya si loo helo xaqqa Muwaadinka uu u leeyahay in uu wax doorto ama la doorto sida lagu yiri Warmurtiyeedka.

Golaha ayaa sheegay in si loo gaaro yoolka Doorashooyin Dadweyne una noqoto mid xor iyo xalaal ah oo Bulshadu ku dooran karto cidda ay ku aamineyso in ay ugu adeegto mas’uuliyadda dowladeed waa sida hadalka loo dhigay.

Baaxadda Heshiiska ayuu Golaha Wadatashiga Qaranka ku sheegay in uu yahay mid ay kawada qayb yihiin Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

“Si loo helo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo leh halbeeg caalami ah waa in la xaqiijiyo xaqqa muwaadinka uu leeyahay oo ah in la doorto ama uu wax doorto, sidaas daraateed Soomaaliya waxa ay hirgelineysaa hannaan doorasho oo ku dhisan metalaad dadweyne taas oo saameyn wanaagsan ku yeelan doonta geeddi-socodka siyaasadda dalka & soo kabashada Dowladnimadeenna” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka.

“Heshiis siyaasadeedkaan ujeeddadiisu waa in la qeexo nidaamka doorasho ee Soomaaliya yeelaneyso si dalka looga hirgeliyo doorashooyin xor iyo xalaal ah si nabad ah ku dhacda loona maamulo si madaxbannaan oo dhexdhexaad ah kuna saleysan habraac sharci oo dhaxalgal ah” ayaa lasii raaciyay warmurtiyeedka.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa muddeeyay waqtiga la qabanayo Doorashooyinka Dadweyne si loo doorto Goleyaasha Deegaanka, Madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo xildhibaannada, waxaana laga guurayaa nidaamka Ra’iisul Wasaaraha.

“Labada Urur siyaasadeed ee ugu codadka badan ayaa noqonaya labada Xisbi qaran uu dalka yeelan doonno, nidaamka madaxtinimada Dalka, waxa uu Dalka qaadanayaa Madaxweyne & ku xigeen, doorashooyinka heerka federal & heerka Dowlad-Goboleed waa qof iyo cod oo 5tii sano mar ah” ayaa lagu yiri warmurtiyeedka Golaha Wadatashiga Qaranka.

Doorashada Dowladaha Hoose waxaa loo asteeyay in la qabto 30ka June 2024, Doorashada Golaha Wakiilada Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxa ay dhici doontaa 30ka November 2024, halka Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Dowlad-Goboleedyada la dooran doonno 30ka November 2024.

Haweenka qoondadooda ay ku leeyihiin kuraasta la dooranayo ayuu Golaha Wadatashiga Qaranka ka gaaray in lagu maamulo heshiis ah oo aan la faah-faahin sida uu noqon doonno & qaabka loo maamulayo.

Gobolka Banaadir sida laga yeelayo oo lagu xusay warmurtiyeedka Kasoo baxay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa lagu sheegay in Degmooyinka Caasimadda ay yeelanayaan Goleyaal deegaan oo la dooranayo 30ka June 2024.

Kuraasta Somaliland ee Aqalka Sare waxaa heshiis gaar ah ka yeelan doonno Golaha Wadatashiga Qaranka sida lagu soo koobay qodobka 10aad ee warmurtiyeedka kasoo baxay shirka Golahaas uu ku yeeshay Muqdisho.

SHARE

LEAVE A REPLY