Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

0

Wararka ka imaanaya deegaanka Philippi oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in halkaasi Xalay kooxo hubeysan ay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa dhalinyarada u shaqa tagtay dalkaas.

Burcad hubeysan oo u dhalatay dalkaas ayaa ku dhex toogatay goobtiisa ganacsi muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Daahir Cali Xuseen.

Qof ka mid ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool deegaanka lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in burcada dishay marxuum Daahir Cali ay sidoo kale dhac u geysteen dukaanka, islamarkaana ay goobta isaga baxsadeen burcada dilka iyo dhaca geystay.

Sida caadada u aheyd ciidanka Booliiska dalka Koonfur Afrka ayaa dhacdada kadib gaaray goobta, kuwaas oo baartaano ka sameeyay halka lagu dilay marxuumka, hayeeshee wax natijo ah kama soo bixin baaritaanka ay sameeyeen.

Dalka Koonfur Afrika waxaa inta badan ka dhaca dilalka iyo dhaca loo geysto ganacsada Soomaaliyeed ee dalkaasi shaqa doontay, mana jirta cid wax ka qabata dhibaatooynka loo geysto.

SHARE

LEAVE A REPLY