Galmudug oo guul ka sheegatay dagaalkii Maanta ka dhacay deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud

0

Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa goordhaw faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay dagaal culus oo saakay aroortii hore ka dhacay deegaanka Qaayib oo ka tirsan gobolka Galgaduud, kaasoo ku bilawday qaraxyo Ismiidaamin ah oo ay Al-shabaab ku weerartay fariisimaha ciidanka iskaashanaya ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Dagaalka oo ahaa mid aad u xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah, waxaana wasiir Falagle uu sheegay in weerarka uga yimid kooxda Shabaab ee qaraxyada iyo dagaalka isxigay ahaa ay iska difaaceen, islamarkaana ay khasaare xoogan gaarsiiyeen Shabaabkii soo weeraray deegaanka Qaayib.

Wuxuu warbaahinta u xaqiijiyay Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle in dagaalka saakay ka dhacay deegaanka Qaayib ay ciidamada huwanta ah ku dileen ugu yaraan ilaa 15 xubnood oo ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday deegaankaasi.

“Baabuurtii ay wateen waan gubnay maydka wuxuu waran yahay ilaa 20 KM. Maydka rasmiga ah ee Qaayib la’isugu keenay waa 15 Shabaab ah” ayuu yiri Wasiir Falagle.

Wuxuu intaasi ku daray Wasiirka inuu jiro khasaare dhanka ciidanka iyo dad shacab ah kasoo soo gaaray qaraxyada iyo weerarka isxigay ee kooxda Shabaab aroornimadii hore ee saakay ku qaaday deegaanka Qaayib

“Waxaa kalo jira afar qof oo uu ka mid ah yahay taliyihii hore ee saldhigga Cadaado, gabar iyo laba ruux oo kale oo rayid ah oo markii la baacsanaayey kooxda meelo kala duwan rasaasta ku haleeshay afartaas ruux waa jiraan Allaha u naxariisto” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle.

Deegaanka Qaayib ayaa ka mid ah deegaanada Shabaab gacantooda ka baxay mudooyinkii dambe, kuwaas oo saakay markale doonaayay iney dib ula wareegaan deegaankaasi.

SHARE

LEAVE A REPLY