Galmudug oo faahfaahisay sababta xabisga loo dhigay Odayaal dhaqameed la xiray

0

Ciidamada ammaanka ee Galmudug ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen Odayaal la sheegay inay la macaamileen ururka Al-Shabaab.

Odayaasha oo gaaraya saddex, ayaa sida la sheegay ka soo laabtay deegaanno ay maamulaan Al-Shabaab oo ka tirsan Galmudug, waxaana la qabtay kaddib markii ay ka war bixiyeen heshiis ay sheegeen inay la galeen Shabaab.

Maamulka Galmudug ayaana dhankooda kahadlay Odayaashaasi ay xireen,waxaana Wasiirka Amniga Maamulka Galmdudug oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidanka aminga maamulkaasi ay xireen Odayaasha.

Wasiirka amniga Galmudug, Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe ayaa intaasi kud aray inaysan marnaba ogolaan doonin Cid gacansaar la leh AL-Shabaab, waxaana uu shegay in Odayaasha ay soo xireen ay tallaabo ka qaadi doonaan.

SHARE

LEAVE A REPLY