Gabar caan aheyd oo lagu dilay magaalada Muqdisho

0

Kooxahaan oo bastoolado ku hubeysnaa ayaa Xalay fiidkii ku dilay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho haweeney lagu magacaabi jiray Shukri Cal Mahad Alle.

Dableyda hubeysneyd ayaa marxuumada dhowr xabadood la dhacay iyadoo fadhisay albaabka hore ee gurigeeda oo ku yaala xaafada Ciisa Cabdi ee degmada Deyniile.

Kooxda fulisay dilka haweeneydaan ayaa s deg deg ah uga baxsatay goobta, waxaana dilka kadib halkaasi gaaray ciidamo ka trsan Booliiska degmada Deyniile oo goobta ka sameeyay baaritaano aysan kasoo bixin wax natiijo ah oo la xarira dilka haweeneyda loo geystay.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka loo geystay haweeneydaan oo si weyn looga garanaayay xaafadda Ciise Cabdi, waxayna ka mid ahayd haweenka shaqaalaha Tallaalka Cudurka Dabeysha ee xaafadaha ugu taga caruurta u baahan Talaalka Dabeysha.

Muqdisho waxaa mudooynkii dambe ku soo badanaayay dilalka qorsheysan ee loo geysanayo dadka rayidka ah, iyadoo lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

SHARE

LEAVE A REPLY