Gaashaanle Xasan Tuure oo loogu magacdaray Dusgiga Tababarada ciidanka Danab

0

Raysal wasaaraha Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ay wehlinayeen wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga, wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga, wasiiru dowlaha Xafiiska Raysal wasaaraha, Taliyaha ciidanka xoogga iyo Safiirka dalka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya ayaa Maanta gaaray Saldhiga Balidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ugu horeyn halkaasi Maanta tababar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan Kumaandooska Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana uu munaasabada uu tababarka ugu soo xiraayay ciidanka uu ka sheegay Raysal wasaaraha in Xerada Tababarada ciidanka Danab loogu magac daray Gaanshaanle Xasan Maxamed Cismaan Xasan Tuure.

“Laga bilaabo Maanta waxaa Saldhigan loogu magacdaray Dusgiga Tababarada Ciidanka Danab Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan Xasan Tuure” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse.

Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka kaalinta ay ka qaadatay tababarka buuxa ee Maanta ciidamadan sida gaarka ah u tababaran ee ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Ciidamadan oo qaatay tababar sare oo ku aaddan difaaca dalka iyo la dagaalanka Al-Shabaab, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu ku boggaadiyay dadaalka ay muujiyeen mudadii ay ku jireen tababarka” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.

Cutubyadaan Maanta loo soo xiray tababarka ciidan ayaa la filayaa iney ku biiraan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee haatan ka socda inta badan gobolada dalka.

SHARE

LEAVE A REPLY