Fanaaniin caan ah oo Maanta lagu aasay magaalada Muqdisho

0

Allaha u naxaristee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyootay Fannaanad Khadra Cumar Dhuule oo uu dhalay Allaha u naxariistee fannaankii weynaa ee Cumar Dhuule Cali.

Fannanada ayaa la sheegay in dhowaanahan ay ku xanuunsaneysay magaalada Muqdisho halkaa oo ugu danbeyn ay ku geeriyootay.

Allaha u naxariistee Khadra Cumar Dhuule oo isla maanta lagu aasay qabuuraha iskool buluusiya ee Muqdisho.

Dhanka kale Alle ha u naxariistee Fanaankii Qaranka Saciid Khaliif Cali oo dhawaan ku geeriyooday dalka Germany ayaa isna maanta lagu Aasay Magaalada Muqdisho.

Aaska labada marxuum waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, abwaaniin, fannaaniin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Maareeyaha golaha murtida iyo wacyi gelinta qaranka Abwaan Cismaan Cabdulle Guure oo ka tacsiiyay ayaa yiri, ”bashar waliba waa dhiman ballan weeye geeridu, qofna baaqan maayee allow buddooda u nuuri, Allaha u naxariisto, anagana gadaashood ilaahay nama fidneeyo.”

Maareeye kuxigeenka golaha murtida iyo wacyi gelinta qaranka, abwaan Maki Xaaji Banaadir, oo aaska kadib la hadlay warbaahinta ayaa isugan ka tacsiiyey geerida labada marxuum isagoo ugu duceeyay jannatul firdowsa.

SHARE

LEAVE A REPLY