Fanaanadii weyned ee Aamina Cabdullaahi oo Maanta geeriyootay

0

Waxaa Maanta magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal ku geeriyooday Allah unaxariistee fanaanadii caanka aheyd ee Aamina Cabdilaahi Xirsi.

Aamiina Cabdullaahi Xirsi ayaa ka mid aheyd hablihii fanka Soomaaliyeed ku biiray sanadki 1966-dii, waxaana ay ahayd heesaa iyo majaajilayste si weyn uga dhex muuqatay fanka.

Allah u naxariiste Aamino Cabdullaahi waxay ku dhalatay deegaanka Kalabeyr oo ku yaala inta u dhaxeysa magaalooyinka Boorame iyo Wajaale, waxayna kusoo barbaartay oo ay fanka kasoo gashay dalka Jabuuti.

Riwaayadahii ay jishay waxa ka mid ahaa Gaal iyo Muslim ayaa idin leh gabdhoow, Dab jacayl kari waayay , Bidaari sibiqbay kugu gashaa, Galbeed waa la xoreeyay, Beeneey waa run iyo kuwo kale, waxaana ay la heestay fanaanada fanaaniin ay ka mid ahaayeen, Maxamed Axmed Kuluc, Cabdinaasir Macalin Siciid, Axmed Gacayte Yuusuf iyo rag kale oo caan ahaa.

Aamiina Cabdullaahi Alle ha u naxariistee waxay carruur u dhashay abwaan Cabdi Aadan Xaad ( Qays) iyo fanaankii Cabdiraxmaan Cismaan Maxabe oo loo yaqaanay Cabdiraxmaan dheere oo ah aabaha dhalay fanaanada caanka ah ee lag magacaabo Hodan Cabdiraxmaan.

SHARE

LEAVE A REPLY