Fagaare ku yaala Baydhabo oo Maanta lagu toogtay laba nin

0

Waxaa Saakay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay xukun dil toogasho lagula fuliyay laba nin oo loo haystay dil ay horay u geysteen.

Labada nin ee saakay Maxkamada gobolka Baay dilka toogasho ah ku fulisay ayaa lagu kala magacaaba Aadan Cali Cabdi oo horey u dilay Marxuum lagu magacaabi jiray Macalin Daahir Cabdullahi Mukhtar iyo Maxamed Geedow Nuurow oo Isna horay u dilay marxuum Jamaal Cabdikariin Maadey.

Toogashada labadaan nin ayaa ka dhacday fagaarahe ku yaala Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxaana usoo daawasho tagay boqolaal shacab ah oo ka kala yimid xaafadaha magaalada Baydhabo. 

Goobta toogashada ka dhacday waxaa ku sugnaa masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo waliba ehelada labada dhinac.

Labadaan nin ee saakay xukunka qisaasta ah lagu fuliyay ayaa qeyb ka noqoya tiro dad ah oo sanadkaan gudahiisa lagu toogtay Magaalada Baydhabo.

SHARE

LEAVE A REPLY