Faahfaahino kasoo baxaya qarax Maanta lagu dilay Taliye ciidan oo ka dhacay gobolka Hiiraan

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax miino oo Maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Halgan iyo Garasyaani uu ku geeriyooday Taliyahii saadka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 5-aad qeybta 27-aad ee fadhigoodu yahay gobolka Hiiraan Kornel Barre Ceyrow.

Qaraxa miino ayaa la sheegay inuu ahaa mid lala beegsaday gaari Tikniko ah oo ay saarnayeen Taliyaha dhintay iyo askar kale oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo la sheegay iney kusii jeedeen degmada Halgan ee gobolka Hiiraan, waxaana waxyeelo kale oo dhaawac ah ay gaartay askartii gaariga saarneed.

Sarkaalka qaraxa miino maanta ku dhintay ayaa ka mid ahaa saraakiisha hoggaamineysay howgaladii dhawaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku qabsadeen deegaan Booco ee gobolka Hiiraan.

Tan iyo markii Al-shabaab lagala wareegay gacan ku heynta deegaanka Booco waxaa qaraxyo miino siyaabo kala duwan ugu dhintay nawaaxiga deegaankaasi ilaa afar ruux oo ay la kacday miinoyin ku aasna qaar ka mid ah wadooyinka gala iyo kuwa ka baxa deegaankaasi.

Qaraxyo miino oo aad u fara badan ayaa la sheegay iney ku aasan yihiin wadooyinka u dhaxeeya Baledweyne, Maxaas iyo Buulaburte, waxaana qaar ka mid ah qaraxyadaasi ku geeriyooday dad shacab ah oo kor u dhaafaya 15 ruux, kuwaas oo meelo kala duwan ku haleeshay miinooyinka ka dhulka ku aasan oo la tilmaamay in Al-shabaab dhulka ku aaseen

SHARE

LEAVE A REPLY