Faahfaahino kasoo baxaya Mooto Bajaaj ku qaraxday Muqdisho

0

Taliska ciidanka Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay Mooto Bajaaj saakay ku qaraxday degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Booliiska Banaadir ayaa lagu sheegay Mooto bajaajta qaraxday iney si xoog ah kusoo gudubtay bar lagu hubiyo gaadiidka oo ku taala degmadaasi, islamarkaana ciidanka oo ceeyrsanaya iney ku qaraxday waaxda Jenaraal Daa’uud.

Qoraalka Booliiska Banaadir kasoo baxay ayaa sidoo kale lagu sheegay in qaraxa Mootada ay ku dhinteen sadax ruux oo saarna Mootada, islamarkaana uu dhaawac kasoo gaaray hal ruux oo shacab ah oo wadada maraayay.

“Abaare 07:30 AM, Degmada Xamar Jajab, ayaa dhagarqabayal saarnaa mooto Bajaaj, ay soo jiireen bar lagu hubiyo gadiidka, iyada oo la raacdeynayo ayeey bajaajtii ku qaraxday Waaxda Gen Daa’uud, dhartoodii ay la damacsanayeen Ummadda Sooman ayaa iyagii ku laabtay waxaana goobta ku halaagsameen 3 dhagarqabe. Halka, qof muwaadin ah oo wadada marayaay uu dhaawac fudud ka soo gaaray iyo Burbur kooban oo soo gaaray guryaha laamiga ku teedsan agagaarka Haama-dhowr ama Isbilatka Yardimeli” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Taliska qaybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir.

Qoraalka Taliska Booliiska gobolka Banaadir kaaoo baxay ayaa sidoo kale lagi sheegay in baaris lagu wado dhacdadaan oo wixii kasoo kordha dib laga soo gudbin doonno, waa qaraxii labaad oo ka dhacay Magaalada Muqdisho tan iyo markii laguda galay Bisha Barakeysan ee Ramadaan, iyadoo ciidamada dowladda ay kordhiyeen howlgalada ay ku xaqiijinayaan amaanka magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

SHARE

LEAVE A REPLY