Faahfaahino kasoo baxaya Madaafiic lagu garaacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

0

Wararka ka imaanaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ay Xalay degmadaasi ku garaaceen tiro madaafiic ah oo ku dhacday xaafadaha qaar.

Madaaafiicda Xalay lagu gaaracay gudaha degmada Maxaas ayaa la xaqiijiyay in dhaawac uu kasoo gaaray qof oo dumar ah, taasoo la geeyay Isbitaalka guud ee degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa la sheegay in dhankooda jawaab ka bixiyeen weerarkaasi hoobiyayaasha ah, lamana oga khasaaraha kasoo gaaray kooxda Shabaab madaafiicda loogu jawaab celiyay.

Afartii bishaan Janaayo ayay aheyd markii dagaalamayaasha Al-shabaab ay degmada Maxaas ka geysteen labada oo Ismiidaamin ah oo ay ku dhinteen dad gaaraya 40 ruux oo 10 ka mid ah ay ahayeen dad kasoo jeeday hal qoys.

SHARE

LEAVE A REPLY