Faahfaahino kasoo baxaya Guddoomiye Xalay lagu dilay degmada Garbahaareey

0

Kooxo bistoolado ku hubeysan ayaa fiidkii hore ee xalay dil ka geysatay magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo.

Dableyda oo lala xiriiriyay kooxda Al-Shabaab ayaa toogashadan oo ay ku dishay gudoomiye Waaxeed ka tirsan magaalada Garbahaareey ka fulisay Xaafada Xaashiweer ee Duleedka Magaalada Garbaharey.

Mas’uulka la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxamed Sheekh ayaa si weyn looga yaqaanay magaalada, waxeyna rasaasta ka haleeshay qeybaha sare ee jirka, sida dad goob joogayaal ah ay xaqiijiyeen.

Ciidamadda amaanka oo xili danbe tagay goobta dilka uu ka dhacay ayaa sameeyay howlgalo baaritaano ah, iyagoo ku guul dareystay iney gacanta kusoo dhigaan danbiilayaashii falkaas dilka ah geystay.

SHARE

LEAVE A REPLY