Faahfaahino kasoo baxaya Duqeyn ka dhacday ka dhacday buuraha Puntland

0

Waxaa duqeyn dhinaca cirka ah ay xalay saqdii dhexe ka dhacday buuraha Calmiskaad ee degmada Iskushuban ee gobolka Bari ee Puntland, halkaas oo la sheegay inay fariisin ku laahaayen kooxda Daacish, sida ay xaqiijiyeen ilo amni iyo dadka deegaanka.

Duqeyntan ayaa socotay ilaa saaka waabarigii hore, iyadoo ilaa hadda aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, Mana jirto ila hadda cid sheegatay inay ka dambeyso duqeyntan.

Maahan markii ugu horreysay oo duqeymo ka dhan ah Daacish ay ka dhacaan deegaanada buuraleyda ah, iyada oo sannadihii ugu dambeeyay ay buuraleyda gobolka Iskushuban iyo Galgala ay ka dhaceen weerarro dhinaca cirka ah oo ka dhan ahaa kooxda Daacish.

SHARE

LEAVE A REPLY