Faahfaahino kasoo baxay dagaal culus oo Soomaaliland looga saaray Laascaanood

0

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xooggan oo xalay ka dhacay magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, kaasi oo u dhexeeyay ciidamada Booliska maamulka Somaliland iyo dadka deegaanka magaaladaas ee hubka qaatay.

Dagaalkan ayaa waxaa uu ka danbeeyay, kadib markii gudaha Laascaanood fiidkii xalay lagu dilay Nin shacab ah oo aan qeyb ka aheyn banaanbaxyada maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay ee looga horjeeday Somaliland iyo dilalka qorsheysan ee kusoo batay halkaasi.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaalka la isku adeegsaday hub culus, isla markaana xaafadaha Laascaanood laga saaray ciidamada Booliska Somaliland ee ku sugnaa, kuwaasi oo la tilmaamay saldhigteen xeryo ku yaalla duleedka magaalada.

Illaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay Laascaanood, waxaana wararka ay intaas kusii darayaan in xaaladda weli ay tahay saaka mid kacsan oo ciidamada Somaliland ay wadaan abaabulo kale oo ku doonayaan inay dib ugula wareegaan magaalada oo ay gacanta ku hayaan dadka deegaanka ee hubka qaatay.

Banaanbaxyo rabshado watay ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacaayay magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, waxaana ciidanka Somaliland ay gudaha magaaladaas ay ku dileen in ka badan 15 qof, halka dhowr qof kalena ay dhaawaceen.

SHARE

LEAVE A REPLY