Ergayga ganacsiga madaxweyne Xasan Sheekh oo loo diiday inuu ka duulo garoonka Garoowe

0

Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa is hor istaag ku sameysay in uu ka duulo Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal, Ergeyga Ganacsiga Madaxweynaha Soomaaliya, Khadar Cabdiraxmaan Faroole.

Laamaha Amniga ee Garoonka diyaaradaha ee General Maxamed Abshir ayaa is hor istaag ku sameeyay Safar uu damacsanaa Ergeyga Ganacsiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Wiilka uu dhalay Madaxweynihii hore ee Puntland Khader Cabdiraxmaan Faroole oo ku soo jeeday Magaalada Muqdisho.

Khadar Faroole ayaa kamid ahaa afar siyaasi oo hore ay Xeer Ilaalinta Dowlad Gobaleedka Puntland ay u jartay waaran soo qabasho ah May 17, 2023-ka, balse taas maysan dhicin ka gadaal markii Guddi Gobolka Nugaal ah ay go’aamo ka soo saareen xaaladda siyaasadeed ee gobolkan.

Puntland ayaa waxaa ka taagan siyaasado is diidan, iyada oo May 25, 2023-ka guud ahaan deegaannada Dowlad Gobaleedkaas laga hirgaliyay doorashada golayaasha deegaanka, taas oo ay soo dooranayeen shacabka, marka laga reebo saddex degmo oo ka tirsan Gobolka Nugaal oo ku taag Caasimadda Maamulka.

SHARE

LEAVE A REPLY