Eratariya oo war cusub kasoo saartay ciidanka Soomaalida ay ku tababareyso dalkeeda

0

Dowladda Eritrea ayaa si adag u eedeysay dalalka reer Galbeedka inay tashuush iyo marin- habaabin ku fureen xiriirka iskaashi ee dhexmaraya dowladaha Soomaaliya iyo Eritrea.

Bayaan dheer oo lagu daabacay bogga internetka ee wakaaladda wararka ee Erirea, ayaa lagu sheegay in reer galbeedku faafiyeen sheegashooyin been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn oo ku saabsan iskaashiga ka dhexeeya laba dowladood ee madaxa-bannaan.

“Isku xidhnaanta sii kordheysa ee labada dal, gaar ahaan dhanka difaaca iyo amniga, waxa ay dhalisey guux weyn oo diidmo ah oo ka imaanaya tiro dalal reer galbeed ah. Waana munaafaqnimo weyn oo ku qotonta isla weyni,” ayaa lagu yiri warbixin dheer oo lagu daabacay Shabait.

Dowladda Etrea waxay sheegtay in bartilmaameedka gaarka ah uu yahay iskaashiga amniga ee sii kordhaya ee labada waddan. Xilli dalkaasi uu noqday dalkii ugu horreeyay ee kumanaan askari u tababara Soomaaliya, tan iyo burburkii dowladdii dhexe kadib.

Dowladda Eritrea waxay sheegtay tababarka ciidamada Soomaaliya, oo loo qabtay iskaashiga labada dal, laguna fuliyay rabitaanka iyo codsiga dowladda Soomaaliya, in uu ahaado mid aan muran ka dhalan.

“ Wadashaqeynta joogtada ah ee labada dal ayaa dhab ahaantii ku qotonta taariikh dheer oo wadajir ah, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay koox yar oo jilayaal ah oo taageero u fidiyay Ereteriya halgankii dheeraa ee xorriyadda. labada waddanba waxay garwaaqsan yihiin in dagaalka argagixisada Soomaaliya uu yahay xasilloonida, iyo amniga guud ahaan gobolka Geeska Afrika oo dhan ,”ayay tidhi dowladda Eritrea.

Eritrea waxay sheegtay faragelinta dibadda ee Soomaaliya lagu sameeyay inay dhashay natiijooyin xun oo keliya, waxayna tilmaamtay kaliya hannaan gudaha lagu go’aamiyay inuu waxtar u yeelan karo Soomaaliya. Halkii dibedda laga hagajin lahaa oo loo jihayn lahaa.

Warkan kasoo baxay dowladda Eritrea ayaa lagusoo aadiyay dhowr cishe kadib markii uu dalkaasi booqasho ku tagay madaxweynaha Soomaaliya, si uu u kormeero kumanaanka askari ee dalkaas lagu tababaray.

Booqashada madaxweyne Xasan Sheikh uu ku tagay dalkaas, wax natiijo ah oo ku saabsan soo celinta ciidamada Soomaaliyeed kama soo bixin.

Waxaana jirtay warar horey warbaahinta u qortay oo ku saabsanaa in dowladda Eritrea arrimo dhaqaale awgeed u haysato ciidamada Soomaaliyeed in dalkooda dib loogu celiyo.

SHARE

LEAVE A REPLY