Duqa Muqdisho oo kulamo xasaasi ah ka wada magaalada Belgrade

0

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo booqasho rasmi ah ku jooga Magaalada Belgrade ee dalka Serbia ayaa la kulmay masuuliyiin ka tirsan dowladda waddankaas.

Guddoomiyaha ayaa maanta kulan la qaatay Duqa Magaaladda Belgrade ee Caasimadda Jamhuuriyadda Serbia Mudane Aleksandar Šapić oo ay ka wada hadleen iskaashiga maamulka labada caasimadood.

Kulankan waxaa guddoomiyaha Gobolka Banaadir ku wehlinayay Danjiraha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Serbia Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed, Agaasimaha Xariirka Dibadda ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo diplomaasiyiinta ka howl-gala Safaarada.

Labada guddoomiye ayaa ka wada hadlay dib u mataaneynta labada caasimadood ee Muqdisho iyo Belgrade iyo In khubaro injineero ah loo soo diro Muqdisho si ay daraasad rasmi ah ugu sameeyaan habka biyo-mareenka Caasimadda Muqdisho iyo Qorshaynta habsami u socodka gaadiidka dadweynaha, gaadiidka gargaarka deg deg ah, gaadiidka waxbarashada iyo maareynta saxmadda Magaalada.

Guddoomiye Madaale iyo Aleksandar Šapić ayaa isla qaatay xoojinta xiriirka labada Magaalo, iyadoona Duqa Balgrade uu soo bandhigay keydka xusuus dhowrka Belgrade, oo ay ku aruursanaayeen wada-shaqeyntii ka dhaxeesay labada Caasimadood xilliyadii ay Muqdisho Duq Magaalo ka ahaayeen Mudane Axmed Maxamud Cadde, Mudane Yuusuf Ibraahim Cali, Mudane Cusmaan Maxamed Jeelle iyo Xasan Abshir Faarax, taasi oo muujineysa xiriirka soo jireen ee labada Magaalo.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Amniga Dowladda Serbia Col. Milos Andjic, oo uu uga mahad celiyay sida ay Serbia gacan uga geysaneyso Dowlad dhiska Soomaaliya iyo qaar ka mid ah shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ku takhasusay dhismayaasha buundoonyinka, wadooyinka iyo uruurinta dakhliyadda canshuurta.

SHARE

LEAVE A REPLY